Booliska Kenya ayaa ku raad-joogaa xildhibaan lagu tuhmayo in uu madaxa ka toogtay nin kaaliye u ahaa musharrax kale oo uu tartan ka dhexeeyay.
Goobjoogayaal waxay sheegeen in xildhibaanka deegaanka Kimilili, Didmus Barasa uu madaxa ka toogtay ninka kadib muran ka dhacay goobta ay ka socotay codeynta oo ku taalla magaalada Bungoma ee galbeedka Kenya.
Waxay booliska u qabteen xildhibaanka in muddo 24 saacadood gudahood uu isku soo dhiibo.
Xildhibaan Didmus Barasa kuma cusbo dhacdo noocan ah sanadkii hore ayaa la xiray, waxaana lagu soo oogay dacwad ah in uu weeraray fannaan kamid ah dadka deegaanka.
Didmus Barasa wuxuu horey uga tirsanaa militeriga Kenya.
Tirinta codadka doorashada Kenya oo weli socota
Copyright: Getty ImagesWaxaa dalkan Kenya ka socota tirinta codadka laga dhiibtay doorashadii shalay dhacday iyadoo ay si weyn isugu dhaw yihiin labada musharrax ee Raila Odinga iyo William Ruto.
Guddiga doorashooyinka Kenya ayaa sheegay in 60% dadka isu diiwaangeliyay doorashada ay shalay codkooda dhiibteen, taasoo ah tiro hoosaysa marka loo eego doorashooyinkii hore.
Deegaanka Eldas ee ka tirsan Wajeer maanta waxaa ka dhaceysaa doorashada oo shalay u baaqatay sababo amni darro.
Korjoogayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee doorashadii shalay ka dhacday Kenya ayaa ammaanay qaabka loo maareeyay, gaar ahaan in cillad weyn aan lagala kulmin hannaanka dijitaalka ah ee lagu keydiyay xogta codbixiyayaasha.
Shacabka Kenya waxay si weyn isha ugu hayaan cidda noqon doonta Madaxweynaha xiga.
Waxaana doorashada si weyn isugu hayaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka William Ruto.
Sidoo kale dadka waxay ka war sugayaan natiijada doorashada guddoomiyeyaasha gobollada iyo xildhibaanada.