Weerarrada ay Al-Shabaab maanta dib u billowday ma waxay khatar gelinayaan amniga Itoobiya?
Saakay waxaa mar kale qarxay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada Liyu Booliska ee Dowlad-deegaanka Soomaalida. Wararku waxay sheegayaan in uu dagaalku weli socdo, mana jirto faahfaahin ku saabsan khasaaraha labada dhinac.
Al-Shabaab ayaa markii hore weerar hoobiyeyaal ah ku billowday weerarka, kaddibna waxaa xigay dagaal toos ah oo ka dhacay deegaanka Aato oo ka tirsan gobolka Bakool.
Waa markii saddexaad oo bil gudaheed ay deegaannada xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhacaan dagaallo ka dhashay weerarro ay qaadday Al-Shabaab.
Isbuucan dhexdiisa ayay xubno ka tirsan kooxdan iyo ciidanka Liyu booliska ku dagaallameen deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan, oo u dhow gobolka Shabeelle ee dhinaca Itoobiya.
Markii dambe waxaa dagaalka qayb ka noqday militeriga Itoobiya, labada dhinacna waxay sheegteen inuu mid walba khasaare gaarsiiyay midka kale.
Horraantii bishan Luulyo ayay ahayd markii ay isku dhaceen Al-Shabaab oo ujeeddadoodu ay ahayd inay u tallaabsato dhanka Itoobiya iyo ciidamada Dowlad-deegaanka Soomaalida.