Ticker

Header Ads

Sababaha ay Xamaas uga qayb qaadan waysay dagaalkii isbuucan ee Gaza

Sababaha ay Xamaas uga qayb qaadan waysay dagaalkii isbuucan ee Gaza

Xamaas

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Maalin ka hor waxaa heshiis xabbad joojin ah oo ay dhexdhexaadiye ka ahayd Masar kala saxiixday Kooxda Islamic Jihad ee Falastiiniyiinta iyo Israa'iil.

Labo maalmood oo ka horreeyay waxaa dhacay weerarro ay labada dhinac iswaydaarsadeen waxaana iray walaac laga muujinayay in isku dhaca uu xoogaysto.

Laakiin si ka duwan sida ay dad badan filayeen, kooxda Xamaas ayaa gacmaha ka laabatay dagaalkii ugu dambeeyay ee xiisadda ka abuuray Gaza.

Xamaas oo dhanka awoodda militeriga aad uga ciidan iyo hub badan kooxda Islamic Jihad ayaa loo arkaa ururka dowlad ahaan u maamula Gaza iyo meelo kale oo ka tirsan dhulka Falastiiniyiinta.

Maxay tahay sababta ay Xamaas u gaabsatay?

Israa'iil ayaa caddaysay in colaaddan ugu dambaysay ay kala dhaxayso kooxda hubaysan ee Islamic Jihad.

Inkastoo hoggaanka Xamaas ay muujiyeen inay taageersan yihiin sida ay wax wadday Islamic Jihad haddana ficil ahaan kuma aysan caawin gantaalladooda waawayn ee meelaha fog gaara.

Taas waxaa loo arkay wax qayrul-caadi ah oo aan horay loo baran.

Haddii Xamaas ay ku lug yeelan lahayd weerarrada dhacay horaantii isbuucan waxaa jiri kartay suurtagalnimada in dagaalka uu faraha ka baxo islamarkaana noqdo mid ay ka dhalato khatar ka wayn tii dagaalkii 11-ka maalmood ee Gaza ka dhacay bishii May ee 2021.

Ciidanka Israa'iil

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ilaa afar arrin ayaa loo sababaynayaa go'aanka Xamaas ay uga qayb qaadan waysay xiisaddii ugu dambaysay ee Gaza.

Sababta koowaad ee keentay in Xamaas ay arrintan ku yeelan waysay waa in dagaalkii 2021 uu keenay dhimasho badan iyo burbur xoog leh oo gaaray Gaza, sida ay sheegeen falanqeeyeyaal la hadlay BBC-da iyo saraakiil Israa'iiliyiin ah.

Sabab labaad waxay noqon kartaa in Falastiiniyiinta ay wali dhisme ku wadaan guryihii ku burburay duqaymihii hore, haddii duqaymo kale dhacaanna ay xaaladdu sii xumaanayso.

Sidoo kale waxaa suuragal ah in Xamaas ay dib u dhisayso awooddeeda dhinaca hubka kaddib markii ay gantaallo badan au adeegsatay isku-dhicii hore.

Dowladda Israa'iil ayaa sidoo kale aaminsan in ay guul wayn ku gaartay tallaabooyinka ay ku xoojinayso dhaqaalaheeda ee ay dadka ka taga Gaza ugu oggolaato inay u gudbaan dhinaca Israa'iil, si ay uga soo shaqeeyaan.

Ciidanka kooxda Islamic Jihad    Haddii Xamaas ay toos ugu biiri lahayd dagaalka waxaa laga yaabi lahaa in Israa'iil ay oggolaanshaha kala noqon doonto 14,000 oo Falastiiniyiin ah oo la siiyay sharci ay uga shaqaystaan gudaha Israa'iil.

Laakiin warar la isla dhex marayay ayaa sheegayay in haddii uu dagaalka sii socon lahaa, tirada dhimashada Falanstiiniyiintuna ay sii kordhi lahayd ay markaas Xamaas ku khasbanaan lahayd inay ku biirto.

Dowladaha Israa'iil iyo Masar ayaa go'doon ku haya Marinka Gaza tan iyo sanadkii 2007-dii, kaasoo adkeeyay in magaalada iyo nawaaxigeeda la galo ama laga baxo, dhinacyada dhulka cirka iyo baddaba