7-dii June ee sanadkan, laamaha ammaanka ee Australia ayaa gaaray guri ku yaalla magaalada Sydney oo hortiisa ay daadsanaayeen warqadaha boostada oo muddo aan la qaadin.
Markii ay gudaha u galeen guriga ayaa waxa ay arkeen meydadka laba gabdhood oo walaalo ah, kuwaas oo u dhashay Sacuudi Carabiya.
Laba bilood iyo baaritaan dheer kadib, booliska Australia ayaa weli heli la’ caddeymo ku aaddan waxa helay Asra Abdullah Alsehli oo 24 jir ahayd iyo walaasheed Amaal Abdullah Alsehli, oo 23 jir ahayd.
Ma muuqan wax muujinayay in gurigooda xoog lagu galay, ama dhaawac lagu arkay jirka gabdhaha dhintay. Booliska ayaa geeridooda ku tilmaamay mid tuhun dhalisay.
Baaritaan lagu sameeyay meydadka ayaan weli lagu oggaan waxa horseeday geerida gabdhahaas.