AFGOOYE (ayaanle media) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ka dhacay deegaanka Cadayleey oo hoostaga degmada Afgooye, kaas oo lagu beegsaday dad ku sugnaa xaflad aroos ah oo ka socotay halkaas. Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay rasaas ooda uga qaadeen dadkii ku sugna guriga uu ka jiray arooska, waxaana inta la xaqiijiyey dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan ilaa shan qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale, kuwaas oo dhaawacyadooda la geeyey isbitaalka Afgooye....